Wararka
Xalada coronaha Thailand oo korortay.

Dalka Thailand waxaa maanta laga xaqiiji xaalada cusub oo ku saabsan xanuunka safmarka ah ee coronavirus waxaa ayna tirada dadka maanta laga helay xanuunkaani ay garayaan 53 xaaladod.
42 kamid ah xaaladahaan cusub ee laga helay Thailand ayaa ku karantilnaa koonfurta gobolka Songkhla ee dalkaasi.
Afhayeenka Gudiga la tacaalista COVID-19 ee Thailand Taweesin Wisanuyothin ayaa sheegay xaaladahaan cusub in ay sii kordhinayaan cabsida laga qabo faafida coronaviruska dalkaasi.
Tan iyo Markii uu dilaacay xanuunkaan bishii January, Thailand waxaa ay xaqiijisay 2,907 xaaladood, 51 dhimasha ah hallka 2,547 ruuxna ay ka caafimaaden coronavirus.