Wararka
1,000 qof oo ganacsato yaryar ah oo lacaga maalgashi ah la guddoonsiiyay.
Xaflad ay soo qaban qaabisay Rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland ee JJCI oo lagu qabtay magaalda Kismaayo ayaa 1,000 qof oo ah ganacsato yaryar la guddoonsiiyay lacag dhan $180,000 oo maalgalin.
Mashruucaan ayaa soo bilowday bishii December ee sanadkii hore waxaana horay uga faa’iideystay 1,000 qof oo ganacsato yaryar ah, tan ayaana oolajeedkeeda tahay in lagu hormariyo ganacsatada yar yar.
Mashruucaan ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradaha Qorsheynta iyo Ganacsiga Jubbaland oo taageero ka helayo hay’adda ARC iyo Rugta ganacsiga JCCI, waxaana ka faa’iideystay dad shaqa la’aan ahaa markii hore.
Munaasabada maalgalinta waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland, maamulka degmada Kismaayo iyo kan gobolka Jubbada Hoose, ururada bulshada iyo dadka loo sameeyey maalgelinta.
Qaar kamid ah ganacsatada ka faa’iideystay mashruucaan oo gobta ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin islamarkaana, waxay u mahadceliyeen cidkasta oo gacan ka geysatay in ay helaan maalgelintaan.
Guddomiyaha maamulka degmada Kismaayo Ibraahim Yuusuf Tima Jilic ayaa dadkii maanta ka faa’iideystay mashruucaan maalgalinta kula dardaarmay in ay si wanaagsan ugu shaqaystaan oo ay noqdaan kuwa wax soo saar leh si ay guul uga gaaraan hankooda ganacsi.
Mas’uukiyiintii kale ee ka qayb-gashay munasabada maalgalinta ganacsatada yar yar ayaa dhamantood soo dhaweeyay mashruucaan iyagoo booriyay in mashaariicdaan oo kale loo baahanyahay sidaas dardeedna lasiiwada si ay bulshada qaybaheeda kala duwan ugu faa’iideystaan.
Ugu danbeyn Guddoomiyaha Rugta ganacsiga iyo wershadaha Jubbaland ee JCCI Shaafi Raabi Kaahin oo munaasabadda soo xiray ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan maalgelinta wuxuuna ganacsatada kula dardaar may in ay lacagaha lasiiyay uga faa’iideystaan kor u qaadista ganacsigooda.