Wararka

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Oo Magaaalda Cape Town Kula Kulmey Dhigiisa Dalka Koonfur Afrika.

Wasiirka waxbarashada Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa waxaa uu kulan kula qaatay dhigiisa dalka Koonfur Africa wasiirka waxbarashada Sare iyo tababarada Ms Grace Naledi Mandisa Pandor.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka waxbarasho ee u dhaxeeyay Labada Dowladood Iyo  sidii loo xoojin lahaa iskaashiga wasaaradaha iyo in la dhameystiro heshiisyada waxbarashada ee labada dowladood.

waxaa sido kale labada dhinac kulankooda ay ku loogu Hadlay in la is dhaafsado lana kala faa’iideysto iskuulada farsamooyinka gacanta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta xirfadlayaasha gacanta ku xamaasha iyo sido kale goobaha tacliinta Sare iyo ka wada shaqeynta cilmi baarista iyo Tiknaloojiyada casriga ah.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close