Wararka

Wasaaradda waxbarashada oo xarun cusub ka dhagax digtay Baydhabo.

Wasiiru Doowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee XFS, Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa maanta Magaalada Baydhabo ka dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhagax dhiga dhismaha xafiisyada xarunta Wasaaradda waxbarashada doowlad Goboleedka Koonfur galbeed waxaa Goob joog ka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxbarashada Axmed Xasan Yuusuf, madaxda Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wasiiru Doowalaha Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay in dhismaha Xafiisyada Xarunta wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ay muhiim u tahay Horumarinta Waxabarashada.

“Waxaan maanta ka dhagax dhigay magaalada Baydhabo dhismaha Xafiisyada Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxaan Ku faraxsanay in waxbarashadu ay hesho Xafiisyo muhiim ah oo loogu shaqeeyo Waxabarashada” ayuu yiri Cabdi raxmaan.Image may contain: text that says "AAAAAA moe, SWSS MOE, FGS GLOBAL PARTNERSHIP for EDUCATION globalpartnership.org LAUNCHING CONSTRUCTION OFFICES FOR THE MINISTRY OF EDUCATION, CULTURE AND HIGHER EDUCATION OF SOUTHWEST STATE OF SOMALIA DHAGAX DHIGGA DHISMAHA XAFIISYADA WASAARADDA WAXBARASHADA, HIDDAHA IYO TACLIINTA SARE EE DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA Date: 07th October, 2020 Baidoa Somalia"Image may contain: ‎2 people, ‎people standing and outdoor, ‎text that says "‎MOE, WS5 JOF LAUNCHING CONSTRUCTION OFFICES FOR THE MINISTRY OF EDUCATION, CULTURE AND HIGHER EDUCATION SOUTHWEST STATE SOMALIA DHAGAX DHIGGA DHISMAHA XAFIISYADA WASAARADDA WAXBARASHADA, HIDDAHA YOT TACLIINTA SAREE DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA ate: 07th October, 2020 בAב‎"‎‎‎

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close