Wararka

Urur Goboleedka Igad Oo Soo Dhoweeyayay Qorsha Deymaha Looga Cafinayo Soomaaliya

Xoghayaha guud ee uru goboleedka igad mahboub maolim ayaa soo dhoweeyay go’aanadii muhiim ahaa ee ka soo baxay shirkii 32-aad ee golaha midowga afrika wuxuuna si gaar ah u soo dhoweeyay baaqa ay dowlada faderaalka soomaaliya ka hor sheegtay shirkii golaha midowga afrika kaas oo ahaan cafinta deymaha lagu leeyahay soomaaliya

Qoraal lagu dabacay barta gaarka ah ee urur goboleedka igad uu ku leeyahay baraha internet-ka ayaa lagu daabacay in xoghayaha guud urur goboleddka igad uu soo dhoweynayo qorshaha ay soomaaliya ku dooneyso in looga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

“dadaalada soomaaliya ee xoojinta nabada waxa hor taagan deymaha lagu leeyahay taas oo ka hor tageysa maal galin ay hay’adaha caalamigu ku sameystaan soomaaliya

Cafinta deymaha soomaaliya waa mid keeneysa in la helo amni,nabad,horumar iyo in xal loo helo barakacayaaasha” “ayuu yiri mahboub moalim xoghayaha guud ee urur goboleedka igad .

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay xohayaha guud ee urur goboleedka goboleedka igad waxaa lagu sheegay in ururku uu taagerayo dadaalada nabadda iyo horumarka ka socda soomaaliya wuxuuna baaq u diray shacabka soomaaliyeed taas oo ku aadan in ay ka faaideystaan dadaalada dheer ee nabada iyo amaanka.

Madaxweynaha soomaaliya maxamed c,llaahi farmaajo oo 10-kii bishan febraayo ka qeyb galay shir madaxeedka midowga afrika ayaa shegay in cafinta deymaha lagu leeyahay soomaaliya ay ka qeyb qaadan karto in la helo kheyraadkii dib loogu dhisi lahaa, laguna horumarin lahaa dalka iyo in xal waara loo helo barakacayaasha soomaalida.

Hadalka xoghayaha guud ee urur goboleedka igad mahboub moalim  ayaa ku soo begmay xilli dowlada faderaalka soomaaliya ay dhowr jeer ku cel-celisay in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay taas oo ay sheegtay in ay hor taagan horumarka iyo kobaca dhaqaalaha dalka.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close