Wararka
Talyaaniya oo Soomaaliya ugu deeqay lacag gaarayso 3 Million oo Euro ah.
Dowlada Talyaaniya ayaa Soomaaliya ugu deeqay lacag gaarayso 3 Million oo Euro ah maanta kadib xaflad ka dhacday Isbitaalka De Martini.
Munaasabadaan ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirka caafimaadka Xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Fawziya Abikar Nur safiirka dowlada Talyaaniga u jooga Soomaaliya Ambassador Vecch iyo wakiilka hay’adda UNFPA ee Soomaaliya Anders Themsen.
Deeqdaan ay doowlada Talyaaniya siisay Soomaaliya ayaa waxaa wada saxiixay Dr. Fawziya Abikar Nur wasiirka caafimaadka Xukuumada federaalka Soomaaliya, safiirka dowlada Talyaaniga u jooga Soomaaliya Ambassador Vecch iyo wakiilka hay’adda UNFPA ee Soomaaliya Anders Themsen.
Dowlada Talyaaniya ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya ka caawiyo dhanka arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo dhismayaasha ciidamada qalabka Sida.