Wararka
Tababar loo qabtay xubna ka socda maamulka Hirshabelle.
Xubno kasocda dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa maanta loo qabtay tababar lagu baranaayay Soohdin u Sameynta Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed waxaana tababarkaani soo qaban qaabiyay Guddigga madax bannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka.
Daahfurka tababarkaani waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga madax bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, Wasiirka arimaha Gudaha ee Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale.
Guddoomiyaha Guddiga madax bannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa sheegay in u jeedka tababarkan loo qabtay ay tahay in la casriyeeyo Soohdimaha Goboladda dalka, isla markaana kulankan uu gogol xaar u yahay wadatashi guud oo dhanka Soohdinta ku saabsan oo ay yeelan doonaa Dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.
Wasiirka Arimaha Gudaha ee Hirshabelle Maxamed Cali Caadle oo tababarka furay ayaa sheegay inay soo dhaweenayaan tababarkan, isla markaana ay la shaqeyn doonaan Guddiga madax bannaan ee Xudduudaha iyo Federaalka.