Wararka
Somaliland oo ku hanjabtay in ay sharciga la tigsan doonta ciddii ka qayb gashaa Dorashada Barlamanka xubnaha matalo Somaliland.
Golaha Wasiirrada maamulka Somaliland ayaa War-murtiyeed Ka Soo Saaray heshiiskii doorashada ee ay isku raaceen madaxda maamul goboleedyada iyo golaha shacabka ee ahaa in xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland lagu dooran doona gobolka Banadir.
Fadhigii 65aad ee golaha wasiirrada Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video-Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu cadeeyay in ay gaf iyo meel ku dhac ku tahay Somaliland in baarlamaan Somaliland metelaya laga soo dooranayaa Xamar.
Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in arrinkaani uu ugu sii dari karo xeriirka Somaliland ay la leedahay dowlada dhexe iyagoo intaasi ku daray in tallaabo laga qaadi doona ciddii ka qayb gashaa doorashadaasi.
Hoos ka akhriso Warsaxaafaeedka:
g