Wararka
Shirka Golaha wasiirada DGKS oo looga hadlay xaaladaha amniga deganada Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi-asiis Xassan Mohamed Lafta-gareen ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka golaha wasiirada ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shirka ayaa intii uu socday waxaa warbixino laga dhagaystay Wasiirka wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed, Wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga iyo wasiirka wasaaradda Kaluumaysiga iyo khayraadka badda DGKGS.
Wasiirka wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Issaaq Cali Subag ayaa ugu horeyn ka warbixiyay howlgallo ay iska kaashadeen ciidamada DG Koonfur Galbeed,kuwa dowlada federaalka iyo AMISOM oo ka dhacay deegaanka Goof-gaduud waxaa uuna intaasi ku daray in howlgalkaasi ay guul ka soo hoyeen.