Wararka
Shir lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Xudur ee gobolka Bakool.
Shir ku saabsanaa wadatashi la xiriiray wareegga Labaad ee Qorshaha Sagaalaad ee Horumarinta Qaranka ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay magaaladda Xudur ee gobolka Bakool.
Wasaradaha Qorsheynta Dowladda federaalka Soomaaliya iyo tan maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa soo wada qabanqaabiyay kulankaas waxaana intii uu socday lagu loo falan qeyeey sidii loga wad shaqeyn lahaa ka qeyb qaadashada qorshaha horumarinta Qaranka ee Sagaalaad.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed Axmed Madoobe Nuunow ayaa oo kulanka ka warbixiyay ayaa sheegay in najitooyin wax ku ool ah ay ka soo bexeen shirkaasi.
Shirkaan ayaa kamid ah shirar wadatashi ah oo si isku mid ah uga socday gobolada dalka Soomaaliya si bulshada looga talageliyo qorshaha horumarinta Qaranka oo ah kii sagaalaad.