Wararka

Shacabka ku dhaqan deegaanka Bariire iyo tuulooyinka hoos taga oo maanta la gaarsiiyay gargaar raashin ah.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta gargaar raashin ah u qeybiyay dadka danta yare ee ku nool deegaanka Bariire iyo tuulooyinka hoos taga waxaana madasha dadkaasi raashinka lagu gaarsiinaayay Goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibrahim Adan Aali Najax, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibrahim Adan Aali Najax ayaa shacabka uu maanta la kulmay oo ay raashinka gaarsiiyeen u sheegay in ay dowlada ka war qabto xaala dooda dhabta ah ayna mar dhaw u keeni doonta gargaar raashin iyo daawo isugu jiro.

Sidoo kale waxaa madashaasi ka hadlay xildhibaan Nuur Siidow Baaba oo shacabka ku dhaqan deeganada Bariire kula dardaarmay in ay ciidamada  Xoogga dalka kala shaqeeyaan sugidda Amniga ayna wax kasto oo ku saabsan baahiyada adeegyada aas-aasiga ah lasoo gaarsiin doona.

 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close