Wararka

Ra’isal wasaaraha dalka oo si rasmi ah u furay wadooyinka Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa wadajir ah u daah-furay Furitaanka inta badan Wadooyinka Magalaada Muqdisho oo in mudo ah sababa Amni u xirnaa Munaasabad maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Hadal ay jeediyeen labada Masuul ayaa waxay ku ballan qaadeen iney furayaa wadooyinka dhiman iyagoo shacabka ka dalbaday iney la shaqeeyaan Heyadaha Amniga.

Munaasabada waxa joogey Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya, Ku xigeenkiisa, Taliyaha qeybta Guud ee Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha Degmada Hodon iyo Saraakiil ka tirsan Booliiska iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close