Wararka
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo ka qayb galay munasabad uu xilka ku wareejinaayay wasirkii hore ee warfafinta.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo goobjoog ka ahaa munaasabadda xil wareejinta Wasaaradda Warfaafinta ayaa bogaadiyay shaqooyinkii uu soo qabtay Wasiirrkii hore ee maanta xilka wareejiye.
Sidoo kale ra’isal wasaare ku xigeenka ayaa kula dardaarmay Wasiirka cusub ee Wasaarada in uu halkeeda ka sii wado qorshaha dib-u-habeynta Warbaahinta Qaranka iyo xoojinta isku xirka Warbaahinta iyo Dowladda.
“Waxaan maanta goobjoog u ahaa munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka cusub Cusmaan Abuukar Dubbe.Anigoo Alle uga rajeynaya inuu u fududeeyo masuuliyadda adag ee hortaala, kulana dardaarmay in dalka ay ugu adeeggaan wadaniyad iyo daacadnimo” ayuu yiri Mahdi Gulleed.