Wararka
Qaramada Midobobe oo lacago gaaraya $45 ugu deeqyso qaar kamida dalalka bariga Afriga.
Qaramada Midobobe ayaa lacago gaaraya $45 miyan u qooondeysay Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah CERF si wax looga qabto macluusha iyo abaaraha ku habsaday dadka ku dhaqan qeybo ka tirsan Dalalka Somaaliya,Itoobiya iyo Kenya.
Dalka Soomaaliya ayaa loo qoondeeyay $30 millyan oo dollar si wax looga qabta awaarahaan kusoo noq noqda qaybaha dalka, 2.2 million oo dad ah ay bishii Disembar ay soo wajaheen macluul,halka 3.2 millyan la saadaalinayo in ay u baahan doonaan gurmad bini adanimo.
Qoondada Sanduuqa Dhexe ee Waxqabadka Degdegga ah,ayaa lagu waramay in uu kaabaya ama dhaameystiraya dadaalka dowladaha Soomaaliya,Itobiya iyo Kenya ,kuwaas oo lagama maarmaan ah in ay kaalmeeyaan dadka ay la soo derseen macluusha iyo abaaraha,gaar ahaan dadka u liita sida adka ah.
Roobabkii xilligii bishii Abril iyo Juun oo yaraaday aawadeed ayaa la sheegay in ay sababeen cunto yari keentay macluul,waxaana laga cabsi qabaa in blaha Oktoobar iyo Disembar ay iyaguna hoos u dhacaan roobabka.