Wararka
Nin u dhashay Hindiya oo ka yaabsaday Caalamka kadib markii uu kasoo muuqday warbaahinta.
Nin kasoo jeeda dalka Hindiya gaar ahaan Ismaamulka Bihar ayaa ka yaabsaday caalamka ka dib markii uu ka soo muuqday warbaahinta.
Ninkaan oo lagu magacaaba Sakal Dev Tuddu, ayaa mudda afartan (40) sano ah aan timahiisa jarin kuwaas oo dheerar ahaan hadda gaaraayo lix fiit(foot).
Sakal Dev Tuddu oo 63 sano jir ah ayaa warbaahinta u sheegay in uu go’aansaday in uu timahiisa siidaayo kadib markii sida uu sheegay uu Alla riya ugu yimid.
Ninkaan yaa ku noolaa duurka mudda dhan 31 sano waxaa uuna la noolaa xaaskiisa Rupiya Devi, seddex will iyo seddex gabdhood oo uu asaga dhalay iyo waliba toddoba caruur ah oo uu awoowe u yahay.
Ninkaan yaa sidoo kale sheegay in xaaskiisa ay wax dhiba ku qabin isaagoo markii uu seexdo dhirir ahaan ay timahiisa iyo isagaba ay isla egyihiin.
Dadyoow kala duwan ayaa daafaha caalamka ugu yimid si ay ula kulmaan Sakal Dev oo ay sawiro ugu qaataan waxaa uuna ku soo dhaweeyaa waji furan isagoo markasta ugu warbixiya sababta ku qasabtay in uu timaha sii daysto.
Rikoorka tima dheeraanta caalamka waxaa haysato haweyney Kenyan ah oo ku naal gobolka Florida ee cariga maraykanka taas oo lagu magacaabo Asha Mandela.
Asha Mandela, oo 55 sano jir ah ayaa sanadkii tagay ee 2018-ka iyada noqotay ruuxa ugu timaha dheer caalamka waxaa ayna timaheeda dheerar ahaan gaaraayeen 110 feet oo u dhiganta 34 meter .