Wararka
Muhaajiriin wali ku sii qulqulaya xabsiyo ku yaala dalka liibiya.
Muhaajiraantan ayaa xabsiyada dalkaasi waxa ay kula kulmaan xaalado xun oo isigu jira mid caafimaad daro mid, cuno yari iyadoo ay usii dheertay nadaafad xumo daran.
Ahmed Saleh Ibrahim oo 19 jir wuxuu ka yimid Kassala oo ku taal bariga Sudan. Waxa uu ka mid yahay maxabiista ku xiran xabsiga Sabha, oo ku yaala magaalo koonfurta ka xigta dalka liibiya wuxuuna xabsigan ku jiray mudo afarbilood ah.
‘’waxa halkan ka jira nadafad xumo waxa kaloo jirta cuno yari ,xiliga habeenkii waxad arkaysa kaneeco farabadan sidoo kale waxa wasaq ah goobta aan ku jirno qoqlalka sidoo kale ma ahan kuwa nadiif ah ‘’ayuu yiri ahmed Salah oo ka waramyey xaalada maxaabiista ay ku suganyihiin.
Mohammed Jibril waa Agaasime Ku-xigeenka Xarunta Xabsiyada Sabha ee dalkaasi Libiya oo asna ka waramaya xaalada xabsiga ayaa yiri.
“Xaruntu waxay u baahan tahay waxyaabo badan, oo ay ku jiraan biyo nadiif ah, koronto-yaqaan, waxay u baahan tahay dayactir, waxay u baahan tahay rug caafimaad. Xaruntu waxay u baahan tahay ambulance, dabcan, si ay u qaadaan bukaanada, xaruntuna waxay sidoo kale u baahan tahay dayactir gudaha, xafiisyada, musqulaha, dhammaantood”.
Jibriil ayaa wuxuu aaminsan yahay in ay ku siin karaan adeegyo wanaagsan oo ay u heystaan tahriibayaasha ku nool halkaa haddii la siin lahaa waxyaabahan aasaasiga ah.
Laakiin hadda, waxaa jira calaamado muujinaya xaalad nololeed oo ay soo wajahday muhaajiriinta Sabha.