Wararka
Moota Bajaaj ku qaraxday xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banadir Maxamed Cabdullahi Mohamed Tuulah ayaa galabta kormeer ku tagay qarax ka dhacay xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banadir ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay Moota nooca loo yaqaano Bajaajta taas oo qaraxday kadib markii ay istaajiyeen ciidanka amniga waxaa uuna xaqiijiyay in uu ku geeriyooday ruuxi waday Bajaajta oo uu ku tilmaamay in uu ahaa ruuxi rabay in uu fuliyo qaraxa.
Maxamed Cabdullahi (Tuulah ) ayaa sidoo kale sheegay in ay goobta uu qaraxa ka dhacay ka heleen bac ay ku jirtay dharka dareeska ciidanka Booliska iyo gabaha buutka ah waxaa uuna intaa ku daray in ay baaritaan ku samayn doonaan sida uu qaraxaas u dhacay.