Wararka

Maxkamadda ciidanka Jubbaland dil ku xukuntay Askari ka tirsanaa ciidanka xogga dalka.

Maxkamadda ciidanka Jubbaland ayaa maanta go’aan ka gaartay Kiiska Bakar Xassan Jimcaale oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka qaybta 43-aad, kaas oo ku eedeysnaa in uu dil u gaystay Siyaad Maxamed Cumar oo katirsanaa ciidanka nabadsugidda Jubbaland 20-kii bishii November 2019.

Maxkamadda ayaa xun dil ah ku ridday Bakar Xassan Jimcaale waxaa ayna masuuliyiinka maxkamada sheegeen In Bakar uu maxkamada ka hor qirtay dilka Allah u naxariistee marxuum Siyaad Maxamed Cumar.

Masuuliyiinta Xeer ilaalinta Jubbaland ayaa sheegtay in baaritaan dheer kadib ay heshay cadaymo muujinaya in dilka uu geystay Bakar Xassan Jimcaale.

Sidoo kale maxkamaddu waxay lix bilood oo xarig ah ku xukuntay Cabdi Maxamed Makaawe oo Bakar Xassan Jimcaale la socday xilliga uu dilku dhacaayey.

Guddoomiye kuxigeenka maxkamadda ciidanka Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ciidanka Jubbaland.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close