Wararka
Madaxweyne Trump oo si kulul ugu jawaabay eedeyn ugu timid dhanka xisbiga Dimuqraadiyiinta.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ilaa iyo habeenimadii sabtida isasoo daba dhigay fariimaha uu soo dhigo bartiisa Tweeter kuwaas oo uu ugu hadlaayo dood ka dhalatay qorsha uu ku doonaayay in beer dalxiis oo uu ku leeyahay gobolka Florida ku qabto shirka soo socda ee waddamada G-7.
Madaxweyne Donald Trump ayaa asbuuci tagay waxaa uu qorsheeyay in beertisa National Doral uu ku qabto shirka waddamada loo yaqaano G-7 taas oo uu ku sheegay in uu ku doonaayay in sharafta dalka Maraykanka uu kor ugu qaado balse madaxweynaha ayaa eedeeyn kala kulmay xubno kamid ah Dimuqraadiyiinta kuwaas oo ku eedeynaayo madaxweynaha in uu rabo in uu ka taajiro kulanka uu beerta ku qaban rabo isagoo masuuliyadda uu dalkaasi u haayo ka faa’ideysanaayo.
Donald Trump, Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa eedeyntaasi si kulul ugu jawaabay waxaa uuna sheegay in uusan doonin wax faa’iido ah oo ugu soo xaroota kulankaasi balse ay u jeedadiisa kaliya aheyd sidii uu kor ugu qaadi lahaa sharafta dalka Maraykanka.