Wararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ” waxaan leenahay xuduuddaadii tag hadaa nabaddoonayso”

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo saaka salaadda ciidul Fidriga garoonka kubadda cagta Mira Awaare kula oogey shacabka ku dhaqan Garoowe ayaa sheegay in ay Marnaba wadahadal lagali doonin maamulka Soomaaliland inta ay ciidankooda ku sugunyihiin gobolka Sool.

“Dhulkeenii waa lagu soo duulay, Sanaag baa u dambaysey waataa lasoo galay, iyagoo halkaa jooga ayuu Muusa Biixi leeyahay nabadgelyaan rabnaa, intuu ku jiro dalkeena “WAA LA TAHAY” baan leeyahay, ma dhacayso nabadi, mana suurtoobayso, waxaan leenahay xuduuddaadii tag hadaa nabaddoonayso, nabad waa rabnaa, weligayona waa ka shaqaynayney” Ayuu yiri Madaxweyne Karaash.

Dhinaca kale Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka iyo shacabka gobolka Sanaag, gaar ahaan ciidanka ka qayb galay waxa uu ugu yeeray  “duulaanka maamulka Hargaysa”.

“Waxaan u hambalyaynayaa ciidamada reer Sanaag ee guusha soo hooyey, hambalyo baan leeyahay ciid wanaagsan, waxaan Alle ka rajaynayaa in ciidamo kale oo la midana inay ku daydaan, rajo badan baan ka qabnaa. Puntland cadaw badan bay leedahay mid gudaha ah iyo mid xuduudaha ahba, gudaha waa nimankaa nabaddiidka ah, waa ku jirnaa dagaalkooda, dabar-goyntooda inta yar ee hadhay waa in ay reer Puntland oo dhammi meel uga soo wadajeestaan” Ayuu yiri madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland.Image may contain: 3 people, people smiling, people sittingImage may contain: 5 people, crowd, sky and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, shoes, child and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people sitting and outdoorImage may contain: 4 people, crowd and outdoor

 

 

 

 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close