Wararka
Madaxweyne Deni oo shaqa joojin kusameeyay ENG. Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland, isla markaana buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyey Hay’addaasi laga soo bilaabo Janaayo 2019.
Sida lagu sheegay Dicreeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland waxaa illaa amardanbo shaqadii laga joojiyay Eng. Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland waxaana shaqada sii haggi doona Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka.
“Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 17ka Luulyo 2019, shaqadii laga joojiyey Eng. Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland ilaa iyo amar dambe.Waxaa si ku meel gaar shaqada Hay’adda u sii wadaya Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka”.
Sidoo kale Dicreetada kasoo baxday madaxweynah dowlad goboleedka Puntland waxaa la buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyay Hay’addaas laga soo bilaabo taariikhdu markay ahayd Janaayo 2019.