Wararka

Madaxweyne Deni Oo Kormeeray Cisbitaalka Guud Ee Boosaaso.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey Cisbitaalka Guud ee Boosaaso iyo Xarunta Gobolka Bari. kormeer Madaxweynaha waxaa ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, maamulka gobolka, kan degmada, Taliyaha Qaybta gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Af-hayeenka Madaxtooyada dowlad gobboleedka Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac, oo ka warbiixyay komeerka Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiimada ay aheyd u kuur-galida shaqooyinka muhiim ka ah ee labadani xarumood u hayaan Bulshada.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu kormeeray Cisbitaalka magaalada Boosaaso, waxa uu kulan laqaatay maamulka Cisbitaalka oo Madaxweynaha usoo gudbiyey warbixin maqal iyo muuqaal ah oo ay kusoo bandhigayeen xaaladihii kala duwanaa ee uu Cisbitaalku soo maray, shaqooyinka uu bulshada u hayo iyo qorsheyaasha u yaalla”

“Madaxweyne Deni intaasi kadib waxa u booqday qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Cisbitaalku, wuxuu arkay shaqada halkaasi ka socota bukaanka jiifa iyo sida shaqaaluhu ay heegan u yihiin, waxa uu bogaadiyey shaqada adag ee ay maamulka iyo shaqaaluhu u hayaan bulshada gobolka, Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in siyaasaddiisa meel sare uga jirto arrimaha bulshada oo ay qaybta koowaad tahay Caafimaadka” Ayu yiri Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland” ayuu yiri Af-hayeenka Madaxtooyada dowlad gobboleedka Puntland .Image may contain: 1 person, sitting and standingImage may contain: one or more people, sky and outdoorImage may contain: one or more people, people standing, car, wedding and outdoorImage may contain: 6 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 peopleImage may contain: 7 people, people standing and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close