Wararka
Madaxweynaha Soomaaliland Oo hargeysa Ku Qaabilay Safiirka Cusub Ee Midawga Yurub U Qaabilsan Soomaaliya.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dhawaan midawga yurub u soo magacaabay Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez.
Kulankan ayaa daaranaa soo dhawayn iyo isbarasho, waxaanu madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu safiirka warbixin ka siiyey xaalada guud ee Somaliland iyo horumarka uu ku tallaabsanayo maalinba maalinta ka danbaysa.
Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wada hadlay qodobbo dhawra oo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha deegaanka, mashaariicda horumarineed ee ay midawga yurub ka wadaan Somaliland sidii loo xoojin lahaa loona dardar gelin lahaa, waxa kale oo lagu lafo-guray wada hadalada Somaliya iyo Soomaaliland oo uu madaxweynuhu u sheegay safiirka mowqifka ay Somaliland ka taagan tahay wada hadalo dhexmara soomaaliya iyo guud ahaan iskaashiga iyo wada shaqaynta midawga yurub iyo Somaliland ka dhexeeya.