Wararka
Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Xidhay Shirweynaha Afraad Ee Xisbiga KULMIYE.
Madaxweynaha Maamulka Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo xidhay shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo maalmahan ka socday caasimadda Hargeysa.
Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo maalintiisii saddexaad galay, ayaa ka hor intii aanu madaxweynuhu soo xidhin waxa ay ergooyinku duuduub ku ansixiyeen tirada xubnaha golaha dhexe oo ah 241 (laba boqol iyo Afartan iyo kow) xubnood, iyada oo ay madasha ku sugnaayeen 234 xubnood, halka ay maqane ahaayeen 7-xubnood oo kale.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xidhitaanka shirka hadal ka jeediyey, ayaa hambalyeeyey ergeda ka qaybgashay shirweynaha iyo habweynta KULMIYE sida ay ugu dhabar-adaygeen muddadii shirku socday.
Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu baaq odoytinimo ah u diray bahweynta KULMIYE, waxana uu kula dardaarmay inay isu tanaasulaan, xisbinimadana wax kasta ka horraysiiyaan.