Wararka

Madaxweynaha Somaliland oo Markale loo dortay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Shirweynaha Afraad ee xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa maalintiisii labaad galay, waxana ay ergadu cod ku dooratay shanta xubnood ee xisbiga hoggaamin doonta shanta sanno ee soo socota.

Shirweynaha oo ay ku sugnaayeen 806 (siddeed boqol iyo lix) ergey oo kamid ah xubnaha ergooyinka xisbiga, ayey shirguddoonka shirweynuhu gudo galeen Ajandaha shirka, waxana ay ugu horrayn ergadu cod ku meel-mariyeen wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey qodobbo kamid ah xeer hoosaadka xisbiga KULMIYE.

Xubnaha ergadu waxa ay cod ku meelmariyeen in wax laga beddelo habkii uu ku iman jirey hoghayaha guud ee xisbiga, islamarkaana uu xoghayaha guud soo magacaabayo guddoomiyaha xisbigu, xilka qaadistiisa iyo magacaabistiisana ay ansixinayaan golaha dhexe ee xisbiga, iyada oo sidoo kale ergadu cod ku ansixisay inaan waxba laga beddelin tirada golaha dhexe ee xisbiga oo lasoo jeediyey in la yareeyo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close