Wararka

Madaxweynaha KGS oo magacabay Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal ku matala Maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Mohamed Lafta-gareen ayaa Goor dhaw Magacaabay Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal ku matala Maamulka Koonfur Galbeed.

Guddigan oo uu Magacaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka kooban 8 Xubnood ayaa waxaa ay ku biiri doonaan Xubnaha guddiyada Heer dowlad goboleed sida ku cad heshiiskii doorashada ay gaareen Madaxweyne farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada & gobolka Banaadir.

8-da xubnood ee Guddiga doorashooyinka ku matalaya Maamulka koonfur Galbeed ee uu Magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku jira Saddex Haween ah, xilli dhowr jeer Haweenka Soomaaliyeed ay ka cawdeen inaan door laga siin Guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka.

Guddigaan ayaa waxaa ay Arrimaha doorashooyinka kala shaqeynayaan xubnaha kale ee laga kala keenay, Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle, Wakiilada Somaliland, Gobolka Banaadir & Dowladda Federaalka Soomaaliya.

No photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close