Wararka

Madaxweynaha Kenya oo ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyay howlgalkii Nairobi

Madaxweynaha Kenya oo ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyay howlgalkii Nairobi

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo goor dhow qabtay shir jaraa’id ayaa ku dhawaaqay in saacad ka hor la soo gabagabeeyay howlgalkii Ciidamada ammaanka ka wadeen dhismaha Hotelka DusitD2 oo ay shalay gudaha u galeen dabley hubeysan, kaddib weerar ku bilowday qaraxyo iyo toogasho.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sheegay in la dilay dhamaan argagixisadii weerarka ku qaaday hotelka, xaaladana ay iminka gacanta ku hayaan Ciidamada Ammaanka

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in 14 ruux ay ku geeriyoodeen weerarka, waxaa uu ammaanay sida Ciidamada ammaanka uga fal celiyeen weerarkaas iyo howlgalka ay sameeyeen.

Mr Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in illaa 700 oo qof la soo badbaadiyay, waxaana dadka dhaawacmay u rajeeyay caafimaad degdeg ah, halka kuwa dhintay uu eheladooda u tacsiyadeeyay.
Waxaa uu sheegay inay ku jiraan xaalad feejignaan aad u sareysa, waxaa uu u xaqiijiyay dadka Kenyanka iyo kuwa Ajnabiga inay tahay Kenya mid ammaan ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka Hotelka DusitD2 oo ku yaallaan Xafiisyo kala duwan, kuna dhow Jaamacadda Kenyatta qeybteeda Caafimaadka.

 

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close