Wararka
Kulan wada tashi ah oo maanta lagu qabtay magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.
Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool waxaa maanta lagu qabtay kulan wadatashiga ah oo la xiriiray wareegga Labaad ee Qorshaha Sagaalaad ee Horumarinta Qaranka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha xukuumada Federaalka Soomaaliya.
Kulnka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Qorsheynta Koonfur galbeed, Agaasimaha Qorsheynta dowlada federaalka, Gudoomiyaha Gobalka Bakol, kan degmada Xudur, bulshada rayida iyo ganacsatada ku dhaqan Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.
Wasiirka Qorshyenta Koonfur galbeed Soomaaliya Ahmed Madoobe Nuunow oo kulnka ka hadlay ayaa sheegay in ka Wasaaradd ahaan ay ku faraxsan yahiin hannaanka uu u socda wadatashiga Qorshaha isla markaana uu sawir guud ka bixinaayo waxa looga baahan yahay dadka ku nool gobalkan Bakool.
Agaasimaha Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Muuse Maxamed Cusmaan ayaa sharaxaad ka bixyay ujeedada kulankaan oo uu tilmaamay in muhiimadiisu tahay sidii Soomaaliya looga yareen lahaa Saboolnimada iyo sidoo kale deyn cafinta.
Guddoomiyaha Gobalka Bakool Maxamed Toolow oo dhankiisa kulnka ka hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan iyo bulsho ahaan ay farxad weyn u tahay in la dhageysto bulshada gobalka,lana baahiyo baahiyahooda dhabta ah ee la doonayo in loogu biiriyo qorshaha Qaranka.