Wararka
KULAN WADA JIR AH OO AY WADA YESHEEN WASAARADDAHA WAXBARASHADA IYO AWQAAFTA.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumada federaalka Soomaaliya, Axmed Xasan Yuusuf ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Kullan kula qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Xukuumada Soomaaliya.
Kulanka ayaa intii uu Socday Looga hadlay iskaashiga labada Wasaaradood iyo Barbaatinta iyo Tayeynta Carruurta Soomaaliyeed.
Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka socday labada Wasaaradood.