Wararka

Kulan loo qabtay Agaasimayaasha Guud ee Gobolka Banadir. 0

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen dhamaan Agaasimeyaasha Guud iyo kuwa waaxyada Dowladda Hoose ee Xamar iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo loogu hadlay dar-dargelinta shaqooyinka ay u hayaan shacabka Muqdisho.

Guddoomiye Kuxigeenada Arrimaha Bulshada iyo Howlaha Guud ayaa shirka goobjoog ka ahaa, iyadoona Agaasimeyaasha laooga dhageystay waxqabadka waaxyahooda iyo caqabadaha horyaala, waxa uuna Kusimaha Guddoomiyaha balan-qaaday in sare loo qaadi doono aqoonta Agaasimeyaasha si ay awood buuxda ugu lahaadaan qabashada Howlaha ay u idman yihiin.

Agaasimayaasha ayaa lagu booriyay ka shaqeynta bilic soo celinta Caasimada, dar-dargelinta Adeegyada aasaasiga ee arrimaha Bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo dib-udhiska kaabayaasha adeega Bulshada.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close