Wararka
Inkabadan 2,000 oo kiiska cudurka Ebola oo laga diwaan galiyay dalka Congo.
Inkabadan 2,000 oo kiiska cudurka Ebola ayaa laga diwaan galiyay Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Congo tabankii bilood ee ugu danbaysay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimadka dalkaas.
Inta ugu badan kiisaskaas ayaa ahaa dhimashada cudurka ay la dhintaan dadka uu kudhacay.
Cudurkaan Ebola ayaa ah cudur aad u sahlan faafidiisa taas oo keentay in dhaqaatiirka aan xaduudka laheen ee ka howl-gallo Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Congo ay xadidi la’yihiin faafida cudurkaan Ebola.
Asbuucaan dhaxdiisa waxaa bariga dalka Congo ka dilaacay Ebola kaas oo loo diwaan galiyay in uu ahaa cudurkii awid caalamka ugu heer sareeyay.
Ilaa iyo bishii August waxaa cudurkaan Ebola u dhintay dad kabadan 1,300 oo ruux.
Iyadoo ay sidaasi jirta ayaa haddana waxaa jira in dadka reer Conka aysanba rumaysneen jiritaanka xanuunkaan iyagoo shaki weyn ka qabo dhaqaatiirta aan xaduudka laheen ee hadda ka shaqeeyo xakameynta cudurka Ebola.
hay’ad samafal oo ka howl-gasho dalka Congo oo layirahdo ‘the charity Oxfam’ ayaa sheegtay in kooxdeeda shaqada ay maalin walbo la kulmaan dadka rumaysan in uusan jirin fayraska cudurka Ebola oo ay u sameeyaan tallo celin.