Ciyaaraha

Hor dhaca Liverpool vs Arsenal.

Kulanka ugu xiisaha badan ee horyaalka premier league  todobaadkan ayaa ka dhici doona garoonka Anfield kaas oo marti galin doona kulan lagu dagaalamaayo kaalinta 1-aad oo dhex maridoona kooxaha Liverpool & Arsenal. Labada kooxood ayaa ah kaliya kooxaha wada badiyay dhamaan 2-dii kulan ee ay ciyaartay horyaalka premier league xili ciyaareedkan iyada oo kooxda badisa ay kaalinta 1-aad kali ku noqon doonto.

Kulankaan oo ka tirsan tartanka premier league ayaa bilaaban doona marka ay Goor sheegtada tahay 7:30fiidnimo dhanka Geeska Africa waxaa ayna ka dhici doonta Garoonka Anfield.

Xaqiiqooyinka kulanka:

Liverpool ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Arsenal 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan 4-guulo iyo 4-bar-baro ayay la gashay markii ugu dambaysay  ee ay rigoor guuldaro ah ku raaxaysteen kulanka Arsenal ayaa ahaa February 2000 markaas oo ayna 14-kulan guuldaro kala kulmin Gunners.

Arsenal ayaa raadinaysa in ay guul gaadho 3 kulan oo xariir ah bilowga horyaalka markii 9-aad ee taariikhdooda iyo markii ugu horaysay tan ilaa 2004/2005 markaas oo ay ka badiyeen Chelsea.

Roberto firmino ayaa kaliya hal gool u baahan in uu noqdo xidigii ugu horeeyay ee Brazil ee dhaliya 50-gool oo premier league ah.

klopp ayaa wajahay Arsenal 7-jeer isaga oo aan wax guuldaro ah  kala kulmin 4-guul iyo 3-bar-baro ah ayuu la galay rigoor kaas oo sidoo kale waxa uu ka hees taa Everton inkastoo uu wajahay 7-jeer.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close