Wararka
Hoggaamoyaha Iiran oo sheegay in ay wada hadal la yeelan doonan Maraykanka waa Haddii uu dib ugu soo labtaa heshiiskiisi hore.
Hoggaamoyaha sare ee dalka Iiran ayaa sheegay in dalkiisa uusan joojin doonin barnaamijka soo saarka gantaalada kadib Maraykanka oo asbuuci tagay sheegay in uu wadahadalo layeen doona Iiran.
Ayatollah Ali Khamene oo qudbad kajeediyay talifishinka dalkaasi ayaa sheegay in baaqa sirta ah ee uu madaxweyne Trump ku baaqay uusan siri doonin mas’uuliyeenta Iiran hadalka Ayatollah Ali Khamene ayaa kusoo adiya 30-sano guuradii kasoo wareegatay dhimashadii aas-aasihii Xukuumadda Islamiga ah ee Iiran Ayatollah Ruhollah Khomeini.
Sidoo kale qudbada ayaa kusoo adeysa asbuuc kadib markii uu madaxweyne Trump u sheegay in Iiran ay haysato fursad ay ku noqoto dal awood leh haddii ay joojiso barnaamijyadeyda baac riminta nukliyeerka iyo soo saarka mgantaalada.
Iiran ayaa sheegtay haddii uu Maraykanka rabo in Iiran iyo Maraykanka wadahadalo dhex maro ay waajib kutahay in uu dib ugu laabto heshiiis yadii hore.