Wararka

Gudoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha ee Goalaha Aqalka Sare oo ka warbixiyay safar uu ku joga Garowe.

Wafdi ballaaran oo kasocda golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda  federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo Gudoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska , Sen . Abdi Ahmed Duhulow (Dagder) ayaa gaaray Magaalada Garowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen Puntland waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka soctay Dowlad Goboleedka Puntland iyo Madaxweynihii Hore Ee Puntland Ahna Sanetor ka tirsan Gollaha Aqalka BFS Cabdiraxman Faroole.

Gudoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska , Sen. Abdi Ahmed Duhulow (Dagder) oo ka warbixiyay safarkooda ayaa sheegay in ay Puntland u tageen sidii ay u soo xaqiijin lahaayeen sharciya ay soo meel mariyeen golaha Shacabka oo loo soo gudbiyay Golaha Aqalka sare si ay dib u eegis ugu sameeyaan.Image may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: 4 peopleImage may contain: 1 personImage may contain: one or more people, people standing, sky and outdoorImage may contain: 3 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close