Wararka
Guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland oo xilkii laga qaaday.
Golaha wakiillada Dowladda Puntland ayaa kalsoonida kala laabtay Gudoomiyihii golaha Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed).
Fadhiga golaha ee maanta waxaa soo xaadiray 53 mudane 49 kamid ah ayaa u codeeyay in xilka laga qaado Gudoomiye Dhoobo Afar mudane ayaa ka aamustay.
Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiiladda ahna ku simaha gudoomiyaha Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa magacaabay gudiga doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo dhici doonta 14-ka bishaan November.