Wararka

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland oo furay shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee heer Federaal iyo heer Dawlad goboleed.

Magaalada Garowe ee Caasimada dowlad goboleedka Puntland waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shirkii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee heer Federaal iyo heer Dawlad goboleed.

Shirkaan oo socon doona muddo seddex maalmood ah ayaa waxaa  kasoo wada qeybgalay Guddiga La Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo mudane Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) guddoomiyaha guddigaasi,Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa looga tashanayo cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal waxaana kulanka furay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobodaareed) waxaa uuna Jaro wanaagsan ka muujiyay in natiijooyin miro dhal ah ay ka soo baxaan dadaalada loogu jiro dib u eegista Dastuurka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close