Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kumanaan shacab ah kula ciiday Beerta Daarusalaam ee Degmada Yaqshid.

Iyadoo maanta magaalada caasimada ee Muqdisho siweyn looga ciiday munaasabadda Ciidul Fitriga ayaa madaxda dowlada waxaa ay farxada ciida la qaybsanaayeen shacabka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa boqolaal shacab ah kula hadlay Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere xilli halkaasi ay ka socotay dabaal-daga farxada Ciidul Fitriga.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay farxada ciida asigoona kula dar-daarmay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo wada jirka. Sanadkaan kan xigana uu eebe ugu baryay in ay ku gaaraan Nabad, Horumar iyo Barwaaqo.

Guddoomiyaha ayaa sidookale Beerta Daarusalaam ee Degmada Yaqshid kula ciiday kumanaan dadweyna ah oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir.

Eng. Yariisow oo qodbad ka jeediyay madasha ayaa sheegey in dalka uu soo hagaagayo loona baahanyahay dhallinyaro ka qayb qaadato horumarka dalka isagoo ka codsaday shacabka ku dhaqanh caasimada  in ay dowlada la shaqeeyaan.

Image may contain: 8 people, people smiling, people standingImage may contain: 1 personImage may contain: 19 people, people smiling, people standing, crowd and outdoorImage may contain: 5 people, people standingImage may contain: 1 person, crowd and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 7 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 13 people, people smiling, crowd, flower and outdoorImage may contain: 16 people, people smiling, crowd and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close