Wararka
Guddomiyaha Golaha shacabka oo xildhibaanada ka tirsan golaha wasiirada ka codsaday in ay soo xaadiraan kalfidiyada Baarlamaanka.
Guddoomiyaha golaha shacabka”xildhibaannada wasiirrada ah waxaan ka codsaneynaa inay mar walba fadhiyaan kulamada golaha si kooramku u buuxsamo”
Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka furmay kulankii 1-aad ee Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka federaaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Kulanka waxaa soo xaadiray 152 xildhibaan hasayeeshee, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka federaaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa si kulul ugu hadlay xildhibaadana aana soo xaadirin kala fadhiga Baarlamaanka waxaa uuna si gooni ah Golaha Shacabka ugu codsaday in ay soo xaadiraan kalfadhiyada Soosocda ee Golaha yeelan doonaan.
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sidoo kale sheegay in Xildhibaanada kamid ka ah Golaha wasiirada ay yihiin tiro aad u madan sidaasi darteetna ay lagama maarmaan tahay in ay soo xaadiraan kulamada looga doodaayo sharciyada horyaallo Baarlamaanka ee u baahan In la ansixiyo.”xildhibaannada wasiirrada ah waxaan ka codsaneynaa inay mar walba fadhiyaan kulamada golaha si kooramku u buuxsamo” ayuu yiri guddoomiye Mursal.