Wararka
Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Puntland oo maanta kulan yeeshay.
Shirka 5-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawlad goboleedka Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa warbixinno looga dhageystay Madax-guddiyeedyada.
Warbixinnada laga dhageystay ayaa ku saabsanaa Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha bulshada, Qorsheynta, Deegaanka, Arrimaha gudaha, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo kormeero iyo kulamo ku aadanaa xog-isweydaarsi, waxqabadka, qorshayaasha iyo caqabadaha jira ee ay Hay’adaha Dawladu la wadageen Guddiyada, gaar ahaan wax ka qabashada kor u kaca iyo is bedelka ku yimi sarifka shillinka Soomaaliga.
Dhinaca kalena, Guddigu waxay soo-jeediyeen in Guddiga gaarka ah ee goluhu u-xilsaaray Wacyi-gelinta Caabuqa COVID-19 ay dar-dargeliyaan Wacyi-gelinta bulshada iyo booqashada Xarunta caafimaadka, si loo ilaaliyo bed qabadka caafimaadka iyo Fayo-dhawrka shacabka Puntland.