Wararka
Golaha wakiilada Puntland oo qodoba dhowr ah ka dooday.

Fadhiga 4-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha DPL Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta si rasmi ah loo gudo-galay qodobka 1aad ee Ajandaha oo ka hadlaya Warbixinta Guddiga joogtada ee Golaha.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ka duulaya qodobka 42-aad farqadiisa 7-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland ayaa gudbinayey warbixintii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada DPL muddadii u dhaxeysay labada kalfadhi (46 aad iyo 47- aad ) waxaana akhriyey Xoghayaha Guud Cabdirisaaq Xiddig Warsame.
Sida ku cad Qodobka 13-aad farqadihiisa 1—9-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladu wuxuu u xilsaaran yahay socodsiinta hawlaha Golaha muddada u dhaxaysa labada kalfadhi (Fasaxa 46-aad Iyo 47-aad ), la socoshada dhacdooyinka iyo ururinta xoggaha inta lagu jiro fasaxa, hubinta barnaamijyadda xukuumadda in loo fuliyey sidii loogu talo galay, u yeerista mas’uul kasta si ay su’aalo uga weydiiyaan shaqada loo igmaday, ansixinta barnaamijyada iyo qorshayaasha shaqo ee Golaha, ka talo bixinta arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo dhaqanka wanaagsan, xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Golaha Wakiillada iyo Baarlamaannada kale, kormeeridda shaqada wasaaradaha, hay’addaha Dawladda iyo kuwo aan Dawliga ahayn, soo saarista baaaqyo Baarlamaani ah mar kasta oo ay jiraan dhibaatooyin dabiici ah iyo kuwo bani’aadannimo.
Warbixinta oo ka koobnad 7 Qodob ayaa ka hadlaysay Kormeeradda Guddiga, kulamadii ay la yeeshay Wasaaradaha, Hay’addaha iyo booqashooyin ay ku tageen Gobollada Puntland.