Wararka
Duqa Caasimada Muqdisho oo ka dhagax dhigay Suuq Cusub.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay Suuqa Dayax ee degmada Hiliwaa oo lagu iibin jiray xoolaha nool.
Guddoomiyaha ayaa dhagax dhiga kadib waxaa uu kormeeray qeybaha uu suuqaani ku fadhiyo oo ah dhulbaaxad weyn waxaana horey lagu iibin jiray xoolaha kala duwan inkastoo uusan shaqayb jirin tan iyo wixii ka danbeeyay Bur-burkii.
Agaasimaha Suuqyada gobolka Banaadir Maxamed Macalin Dhicisow ayaa faah faahin ka bixiyay baaxada uu suuqani ku fadhiyo iyo marxaladiihii uu soo maray.
Agaasimaha guud ee waaxda howlaha guud Cabdullaahi Axmed Muuse (Caraaye) ayaa dhankiisa ku dheeraaday ahmiyada uu suuqani lee yahay.
Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo munaasabada dhagax dhiga ka hadlay ayaa sheegay in xoolaha lagu iibiyo qeybaha kala duwan ee magaalada ay caqabad kuyihiin bilicda Caasimadda iyo isku socodkeeda sidaas darteedna marka la hirgaliyo Suuqa Dayax kadib waxa uu maamulka mammuuci doonaa in meel aan Suuqani aheyn aan lagu iibin doonin xoolaha.
Guddoomiyaha Gobolka Banadir Cumar Filish ayaa ugu danbayn Shacabka ku dhaqan Gobolka Banadir kula dardaarmay in ay ilaa shadaan goobaha danta guud ee muhiimka u ah adeegyada aas aasiga ah.