Wararka
Duqa caasimada Muqdisho oo gaaray Magaalada Johannesburg.
Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa caasimada Muqdisho Omar Mohamud Mohamed (Omar Filish) ayaa maanta gaaray Magaalada Johannesburg ee caasimada Koonfur Africa .
Guddoomiyaha ayaa markii uu gaaray garoonka diyaaradaha ee Tambo International Airport waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxda safaarada Soomaaliya ee dalka Koonfur Africa iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Johannesburg.
Duqa caasimada Muqdisho Omar Filish ayaa dalka Koonfur Africa u tagay sidii uu ugu qayb gali lahaa shirka Meeyarada Adduunka oo ka dhici doona magaalada Durban ee dalkaasi Koonfur Africa.
Guddoomiyaha ayaa markii uu garay garoonka ayaa waxaa uu u mahadceliyay masuuliyiinta safarada Soomaaliya ee Koonfur Africa iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed sida wacan ee ay u soo dhaweeyeen.
“Waxaan u mahadcelinaaya madaxda safaarada Soomaaliya ee dalka South Africa iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Johannesburg sida ay iigu soo dhaweeyen garoonka diyaaradaha ee Tambo International Airport”. Ayuu yiri Guddomiye Omar Filish.