Wararka

Dowladaha Soomaaliya Iyo Sacuudiga Oo Isku Afgaray In Xayiraada Laga Qaado Markab Xoolo Siday Oo lagu Xanibay Dekeda Jidda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo Xalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay markab labaatan kun oo ari ah siday oo dekadda Berbera ka shiraacday kuna xayirnaa dekadda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga laga soo billaabo july 11, 2019.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dowladda Sucuudiga xariir kala sameysay markabka xoolaha siday hase yeeshee ay caddaatay in markabka loo xayiray in uusan soo buuxin heshiisyadii dhoofinta xoolaha ee ay labada dowladood horay u kala saxiixdeen.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in DFS ay Sucuudiga kala hadashay in markabkaan arrintiisa si gaar ah loo xalliyo oo aan lagu xirin heshiisyadii si loogu daneeyo ganacsatada Soomaaliyeed, hase yeeshee heshiisyadii hore ee labada dowladood wada galeen ay sidoodii ahaadaan oo la wada ilaaliyo.

Dhanka Kale Soomaaliland Ayaa Sheegtay In xooolaha Barkoodiba Ay Markabka Dushiisa Ku Dhinteen Iyadoona eedaasi Dusha U saareen Dowlada Dhexe.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close