Wararka
Dowlad goboleedka Hirshabelle oo soo dhawaysay wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobe u soo magacawday Soomaaliya.
Dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa soo dhaweeyay wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Somaliya, kadib markii dowladda Somaliya ay eriday ergaygii hore u joogay Soomaaliya ee Nicolas Haysom.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa shan maalin ka hor waxaa uu James Swan u magacaabay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay arrimaha Somaliya.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Maamulka Hirshabelle, ayaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan tallaabada lagu soo magacaabay ergayga cusub ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya:
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay maamulka Hirshabelle: