Wararka

Doorashada dalka Suudaan oo lashaaciyay goorta ay qabsoomi doonta.

Dalka Suudaan oo ay maalmahaan ka socdeen dibad baxyo balaaran oo ay dhigaayeen shacabka ku nool casimada Khartuumo ayaa fariisimo dhigtay aagga Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Ciidanka dalka Suudan ayaa dibad baxyaasha u adeegsaday awood si ay ukala diraan waxaana shaqaaqadaas ku geeriyooday ku dhowaad 30 Qof oo Shacab ah.

Taliyaha Ciidanka Millitariga Dalka Suudaan, Jeneral; Abdel Fattah al-Burhan, ayaa ku dhowaaqay in Bisha 9-aad ee Sanadkan ay dhici doonto Doorasho.

Jeneraal Burhaan, ayaa sidookale sheegay in ay doorashadu ka dhici doonto dhammaan Dalka oo idil, isla markaana ay goob joog ka ahaan doonaan kormeeryaal ka kala socda Gobolka iyo caalamka intuba.

Tallaabadan ayaa timid markii uu bur-buray heshiiskii ay horay u gaareen Golaha ku meel gaarka ah ee Millitariga Suudaan iyo qaban-qaabiyeyaasha dibed baxyadii lagu riday Cumar Xasan Al-Bashiir.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close