Wararka
Deegaanka lafoole ee hoostaga dagmadda Afgooye oo loo magacaabay maamul Cusub.
Wareegta kasoo baxsay xafiiska gudoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa maamul cusub loogu magacabay degaanka la foole oo hoostaga dagmadda Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose .
Wareegta kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha ayaa lagu magacabay gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen ay yeelato degaanka lafoole si loo fududeeyo adeegyada ay u baahanyihiin dadka degaanka sida lagu sheegay wareegtas.
Ibraahim Xuseen Salaax ayaa wareegta loogu magacabay gudoomiyaha degeenka lafoole halka Muxiyadiin Cabdikariin Faarax loogu magacabay gudoomiye ku xigeen Amniga.
Gudoomiyaha dagmadda Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa aqriyay wareegta kasoo baxday Xafiiska gudoomiye najax.