Wararka
(DAAWO):Xukumada soomaaliya oo deeq raashin ah katimid midowga ardaydii wax ka baratay jaamacada gaheyr ku warejisay maamulka isbtalka dhimirka ee xabeeb.
Agaasimaha arrimaha bulshada xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maryamo Aadan Aamin ayaa deeq raashin ah maanta gaarsiisay Isbitaalada Dhimirka ee Dr. Xabeeb Mental hospital.
Agaasimaha ayaas sheegtay in deeqdaan raashinka ah ay soo dhiibeen midowga Ardaydii Jaamacadda Gaheyr kuwaas oo ay ku sheegtay in ay ka soo jawaab celiyeen codsi maamulka Isbitaalada dhimirka ugu yimid horaantii bilihii lasoo dhaafay.
Agaasimaha guud ee Isbitaalada dhimirka Dr. Cabdirahmaan Xassan Cawaale (Dr. Xabeeb) ayaa u mahadceliyay dhamaan Midowgii ardaydii Jaamacadda umadda qaybta Gaheyr sida ay isku soo xilqaameen ayna ugu soo jawaabeen codsigoodi.