Wararka
CIIDAMA JABUUTIYAAN AH OO KU XAYIRAN DEGANKA MATABAAN.
Wararka laga helayo magaalada dhuusa-mareeb ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen ciidamo ka tirsan dowlada somaliya oo qayb kanoqonaya sugida amniga magalada dhusamareeb oo la filayo in lagu qabto shirka dib u heshiisiinta beelaha daga galmudug.
Ciidamada tagay ayaa ku biiri doona kuwii ka horeeyaya ee 25kii bishan dowlada Soomaliya oo hordhac u ahaa ciidanka dowladu gaynayso magaalada Dhusa-mareeb ee xrunta mamulka Galmudug.
Dhusa-mareeb waxaa lagu qabanayaa shirka dib u heshisiinta beelaha daga deeganada Galmudug,waxaana shirkaas garwadeen ka ah wasaarada arimaha gudaha federalka iyo dib u heshiisiinta dowlada Soomaliya.
War soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Jibuuti ay ku xayiranyihii duleedka deeganka Matabaan, kadib markii ay halkaas ku joojiyeen ciidan la sheegay inay ka tirsan yihiin Ahlu-suna ee ciidankoodii lagu dhafay kuwa dowlada ee galmudug ku sugan.