Wararka
[AKHRISO]: GORTA RASMIGA AH EE LA GALI DOONA IMTIXAANKA QARANKA EE KENYA.
Wasiirka Waxbarashada dowlada Kenya ayaa manta oo Tallaada ah shaaciyay wakhtiga rasmiga ah ee la furi doona Iskoolada dalkaasi
Wasiirka ayaa sheegay in laga bilaabo 12 bisha October ay dib u furi doonaan Koobaha waxbarasha.
Fasalada 4aad, 8aad iyo fasalada 4aad ee dugsiyada sare ayaa lagu bilaabi doonaa balse ma aysan caddeyn xiliga ay soo laaban doonaan ardayda fasalada kale.
Imtixaanka qaranka ee fasalada 8aad ee loo yaqaano KPCE ayaa sidoo kale la shaaciyay in isna ay u fariisan doonaan ardayda bisha Maarso 22 keeda ilaa 24 . Sidoo kale kan loo yaqaano KCSE ee fasalada 4aad ee dugsiyada sare ayaa isna ay ardayda u fariisan doonaan 25 ka bisha maarso ilaa 4 ta Bisha April.