Wararka

(AKHRISO): Degmada Boosaaso oo sanadkaan kaalmaha 1, 2 iyo 3-aadba ka gashay Imtixaanka Fasalka 12-aad ee Puntland.

Yacquub Mursal Yusuf ayaa gaalinta kowaad u galay imtixaanka shahaadiga ee fasalka 12-aad ee Maamulka Puntland.
Ardaygaan ayaa ka soo jeedo magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa uuna dhigan jiray dugsiga Boosaaso isaga oo celcelis maadooyinkiisa keenay 99-14%.
Kaalinta labaad ayaa waxaa galay Cadnaan Cabdi Yaasin oo isna dhigta Dugsiga Imaamu Shaafici ee isla degmada Boosaaso ee gobolka Bari. Waxaa uu haystaa celcelis 96.57%.
Kaalinta Seddexaad ayaa sidoo kale waxa galay arday ka soo jeedo Degmada Boosaaso ee gobolka Bari kaas oo lagu magacaabo Axmed Luqmaan Maxamed oo dhigta dugsiga Ugaas Yaasin. Waxaa uu haystaa Celcelis 96.46%.
Madaxweynaha Puntland ayaa u mahadceliyay 10-ka arday ee kaalmaha ugu horeeyo ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad.
“waxaan u hambalyeenaya Ardeyda Dugsiyada Sarre ee Puntland, gaar ahaan 10-ka Ardey ee sanadka Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad. Waxaan dhammaantood u rajeynaya mustaqbal wanaagsan iyo inay ka mirro dhaliyaan aqoonta la baray iyo dadaalka waalidiinta iyo macalimiintoodu ku bixiyeen” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.
Hoos ka akhriso 10-ka arday ee   ugu koreyso Imtixaanka 12-aad ee Maamulka Puntland.
No photo description available.
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close